http://www.jiiilkamanta.com

waraka manta

< CASHIRADII LAGA BARTAY DORASHADII TURKIGA 2023 1. kahor doorashada intaynan bilabmin , waxa jirtay guul rabbani ah ( win with out effort ) tasoo mar hore sii helay madaxweyne erdogan , gushasoo ka dhigan qolyaha mucardaka oo il duuf siyasadeed ku dhacay , meshay kamaal kaldjar so sharaxeen qolyaha mucaradka haday so sharixi lahayeen barasabka magalada stanbul wa akram imaam oglo, fursadooda aya badan laheed , sabatoo ah akram wa nin dhalinyara ah , ka shacbiyad badan kamaal, waxad u calamad ah shacbiyada akram , mudadii yareed u barasaab stanbuul wuxu isbadala fikir ku sameyay reer stanbul , taso ka dhigneed stanbul o rubul qarni gacanta oogu jirtay xisbiga talada haya wa erdoganee , inay sanadkan ogu shubeen qolyaha mucaradka . 2. sinan oglo o ah murashaxa sadaxeeya labada murashax madaxweyne , wa erdogan iyo kamaalle , sinan aya cod garaya 5% helay , wuxu aha murashaxa oogu codka yar taso ka dhigan inuunan u gudbi doonin warega labad ee dorashada (Round two) hadaba waxa is waydiin mudan halka ay aadi donaan 5% tageere ee sinaam yu , labada nin wa erdogan iyo kamaal aya waxa u dhaxeeya 5% , haduu erdogan helo wuxu shaki la aan noqon madaxweyne .halka kamaal hadu helana fursad wayn u noqon doonto. hadaba waxa halkaa ka muqata sinan inuu yahay jaan gooyaha dorashadaa. sinan aya hordhigay labada murshaxa min hal shardi marba kii kaso baxana uu tageeri doono , SINAN oo qawmiyada turki nimada ku tacasubay aya erdogan hor dhigay shardi ah in uu balan qaado inuu wadanka ka cayriyo siriyaanka iyo afgaanka joogo turkiga ee kuso bara kacay , halka kamaal uu hordhigay inuu kurdida ay is wataan ka fogaado arinkasoo ku adag kamaal wayo diyaar bakar oo ah magalada lixaad e turkiga ogu wayn waxa daga kurdi, xalay waxay badankood ogu shubeen kamaal , sidaa waxa la mid ah mela badan o ay dagaan kurdida, kamal waxa hor yala laba daran mid ddooro ama kurdida ama 5% sinan 3. cashirka sadaxaad een ka baranay aya ah , samaynta ay da"yarta turkida ay ku yesheen codayntan, 6 million o da"yar ah ayaa markodi kobad cod bixinaya , kuwasoo intooda badan jecel reer galbeedka iyo Eurobian Union ku biiristooda, waxayna ka war hayaan halka ay kala jogaan reer galbeedka iyo Erdogan . dhinaca kale erdogan aya sanadkan tabaya tageerayashisii classki ahaa (old ages) kuwasoo xadkii codaynta dhafay qaar badanoo kamid ah 4 magaca stanbul o marka la macneeyo noqonaya magaladii islamka , aya sandkan o markii kobaad u codaysay dhinaca mucaardka cilmaanigaah , stanbul aya ahaan jirtay caasimadii cusmaaniyiintii , ta lidkeeda ankara o mar danbe ay uso warejiyeen qolyaha cilmaaniyiinta caasimada wadanka , aya xalay erdogan u codaysay
5. laba isbuuc kadib aya la qaban donaa wareega labad inta kahoraysa waxa la filayaa in labada musharax wa kamaal iyo erdogan inay si dardar ah u bilaabi doonaan olalahooda doorasho , khasatan waxay culayka saari doonan magalada stanbul
Previous Post Next Post

Abdisamad Hasan Kasin

http://www.jiiilkamanta.com
Post ADS 2
Su'aal ma jirtaa? haday haa tahay WhatsAppkan nagalasoo xariir
Asc, maxaan kaacaawinaa wll? ...
Halkaan riix si aad...